Zaynab Mohamed ayaa u dhaw inay kamid noqoto Aqalka Senate-ka Minnesota

Published: August 10, 2022
Shares440

Zaynab Maxamed ayaa aad ugu dhaw in ay noqoto haweeneydii ugu horreysay ee Madow ah oo ka mid noqota Senatka Minnesota kaddib markii ay ku guuleysatay doorashada hordhaca ah ee DFL.

Zaynab mohamed
Zaynab mohamed

Zaynab Maxamed waxay ku dhalatay Soomaaliya, waxayna ku kortay magaalada Minneapolis. Haddii ay ka adkaato musharaxa iyada la tartamaya ee Jamhuuriga doorashada guud ee Noofambar, waxay sidoo kale noqon doontaa qofka ugu da’da yar Senetka gobolka.

Zaynab, oo ah 25 jir degan Minneapolis, ayaa ku garaacday Todd Scott 68% codadka la dhiibtay. Scott ayaa helay 32 boqolkiiba codadka.

“Markii ugu horeysay ee aan ka fikiray inaan u tartamo xafiiska, sababtu waxay ahayd waxaan doonayay inaan nolosha dadka u fududeeyo, ma ahan mid adag,” Zaynab ayaa ku tiri khudbadii guusha habeenkii Talaadada. “Kaliya maaha hal-ku-dheg olole; waa odhaah asal ahaan macno weyn noogu fadhida.”

“Waxaa jira dad bannaanka seexanaya oo aan guri haysan iyada oo qabowgu aad u daran yahay. Taasi waa dhaqan xumo wadan ku faana inuu yahay dalka ugu qanisan aduunka, mid ka mid ah dawladaha ugu wanaagsan oo haddana dadkiisi banaanka seexanaayo. Taasi waa sababta aan doonayay inaan ordo si aan wax uga beddalo”

Zaynab Mohamed

Zaynab waxay wajihi doontaa Shawn Holster Republican doorashada guud ee Noofembar 8, laakiin degmada 63aad codbixiyeyaashu waxay had iyo jeer doortaan murashaxiinta Dimuqraadiga, taas oo fursad wanaagsan siin doonta Zaynab.

Senator Patricia Torres Ray, oo shan jeer u soo shaqeysay Senatka Degmada 63 oo ahayd gabadhii ugu horeysey ee Latin ah ee ka shaqeysa Senate-ka Minnesota, uma aysan tartamin dib u doorasho waxayna taageertay Zaynab.

Dhaliyarada Soomaalida ee Maraykanka ayaa si weyn uga muuqda siyaasadda, gobolada ay ku badan yihiin, waxaana muuqata in Zaynab ay hayso raadkii Ilhan Omar oo horey Congresswomen uga noqotey gobolkeeda, kadibna u gudubtey Washington.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment