14 Sarkaal oo loo xiray Qaraxii ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad

Published: July 29, 2023

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim ayaa maanta mar uu ka jawaabayey waydiimaha Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu xaqiijiyey in 14 Sarkaal loo xiray Qaraxii ka dhacay Xarunta Kuliyadda Jaalle Siyaad.

Wasiirka ayaa sheegay in uu Saraakiisha la xiray uu ku jiro Taliyihii haystay kuliyadda, sidoo kalena Baaris ku socoto xubnahan oo isugu jira Saraakiil Sare iyo Askar sharcigana la hor geyn doono cidii lagu helo ku lug lahaanshaha faldambiyeedkan.

Wasiirku waxa uu sidoo kale xusay in ay kiiskan Baarayaan Guddi ka kooban Haya’addaha Amniga sida NISA, Booliiska iyo Wasaaradda Gaashaandhiga.

Xarunta Kuliyadda jaalle Siyaad ayaa 24-kii bishan waxa ka dhacay Weerar ay geystay kooxda Khawaarijta kaas oo lagu beegsaday Guutadda Ciidanka 14-ka October oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed