Kulankii dhexmaray Damuljadiid iyo Turkiga oo looga hadlay Shirkadaha Maalgashtay Muqdisho!

Published: February 18, 2017

Waxaa warar dheeraad ah kasoo baxayaa kulankii ka dhacay Safaarada Turkiga ee Muqdisho iyo kooxda uu hogaaminayey Madaxweynihii hore Xassan Shiikh Maxamuud ee Damuljadiid.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay xubno ay kamid ahaayeen Faarax Sheekh C/qaadir, Cabdiraxmaan Odawaa, Cali Balcad iyo Saadaq Cabdikariin Ibraahim.

Dhinaca Turkiga ayaa waxaa la sheegay inay kulamadan ku sugnaayeen mas’uuliyiinta Safaarada Turkiga oo uu wehliyo Safiirkii hore ee Turkiga u joogi jiray Soomaaliya Dr. C. Kani Torun oo ah xubin sare oo ka tirsan Xisbiga Erdogan ee Ak Party kana mid ah hada Wasaarada Arrimaha Dibada ee Turkiga.

Safaarada Turkiga ayaa ku tilmaamtay kulankan mid Mahadnaq iyo saagootin ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, balse waxaa hada soo baxaya xog dheeraad ah oo laga helayo arrimaha kulankaasi looga hadlay.

Warar laga helayo xubno kamid ah Kooxda Damuljadiid ee ku dhaw Madaxweynihii hore ayaa sheegaya in labada dhinac ka wadahadleen sidii mustaqbalka loo maareyn lahaa maalgashiga shirkada Turkiga ku sameeyeen magaalada Muqdisho oo uu si dhaw wax ugala socday Safiirkii hore ee Turkiga Dr.Torun oo isagu arrimahan u yimid magaalada Muqdisho.

Dr.Torun ayaa hada ah Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Arrimaha Dibada u qaabilsan xisbiga Xaakimka Turkiga ee AK Party.

Maalgashiga ugu weyn ee Turkiga ku sameeyey magaalada Muqdisho ayaa ah lacagta uga jirta Dekkada iyo Airportka Magaalada Adden Cade oo ay maamulaan labo shirkadood oo laga leeyahay dalka Turkiga, shirkadaasi ayaa la sheegaa inay saami ku leeyihiin mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan kooxda Soomaalida Damuljadiid u taqaan iyo waliba qoyska Madaxweynihii hore.

Madaxweynihii hore Xasan Shiikh ayaa xilka si rasmi ah u wareejiyey Khamiistii lasoo dhaafay, isagoona la hadal hayo in mustaqbalka la filayo dalka dibada uga dhoofo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *