Donald Trump oo magacaabey la taliyihiisa Amniga Qaranka

Published: February 21, 2017

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa magacaabey la taliyhiisa Amniga Qaranka.

Trump ayaa u magacaabey gen. Herbert Raymond McMaster in uu beddalo Michael Flynn oo todobadkii hore iska casiley xilkan kadib markii lagu heley in aanu run ka sheegin wadahadal uu la yeeshey Diblomaasiyiin Ruush ah.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee cusub general H.R. McMaster ayaa horay uga soo shaqeeyey ciidamada, waxa uu ahaa nin si weyn ciidanka dhexdiisa looga qaddariyo, waxaana warbaahinta Maraykanka qaarkeed qorayaan in uu Ruushka aad uga fogyahay una arko cadow, taas oo ka duwan aragtida Trump.

Xilka loo magacaabey gen. H.R. McMaster uma baahna in la horgeeyo Aqalka shuyuukhda si ay u ansixiyaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *