R/Wasaare Xamsa oo la kulmay xildhibaanada Soomaalida ee ku jira baarlamaanka Kenya

Published: May 10, 2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadaa Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maalmahan safar shaqo ku jooga Caasimada dalka Kenya ee Nairobi, ayaa maanta kulan la qaatay xildhibaanadda Soomaaliyeed ee ku jira Barlamaanka Dalkaasi.

Ra’iisul Wasaare ayaa xildhibaanadasi kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, gaar ahaan ilaalinta danaha dadka Soomaaliyeed ee kuwada nool labada dalka.

Mudane Xamsa ayaa xusay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana ay muhiim tahay sii ambaqaadidda habka ku dhisan is-dhaafsiga danaha labada dal.