Ra’iisul wasaare Xamse oo kulan la yeeshay madaxweynaha dalka Kenya

Published: May 10, 2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga dalka kenya, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha dalka Kenya Mudane William Ruto.

Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo Mudane William Ruto, ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Labada dal, ee dhinacayadda ganacsiga ,amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah iyo xasilloonida guud ee gobolka.

Kulanka labada mas’uul waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhiga Kenya Aadan Ducaale iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle.