Madaxweynaha Puntland oo La Kulmay Wefti Ka Socda Bangiga Adduunka-Sawiro

Published: March 27, 2017

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo weheliyaan Labada Wasiir kuxigeen ee wasiiradda maaliyadda Puntland ayaa xarunta madaxtooyadda ku qaabilay wefti ka socday Bangiga Adduunka

Kulanka uu la yeeshay Madaxweynuhu weftigan ayaa waxaa lagaga arrinsanayey mashuuca hab Maamulka Xisaabaadka Dawladda Puntland Public Financial Management (PFM) iyo Daafurka Mashruucaasi oo dhowaan laga hirgaliyay nidaamka xisaabaadka ee wasaaradda Maaliyadda

Mashruuca hab maamulka xisaabadka Dawladda Puntland oo bangiga aduunku ka caawinayo dowladda Puntland ayaa waxaa lagaga gudbi doonaa habkii hore loo isticmaali jirey xisaabaadka kaasi oo lagu bedeli doono hab casri ah oo la adeegsan doono qaab electronic ah.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka dhegaystey warbixino ku saabsan faa’iidada isticmaalka barnaamij kani weftiga ka socdey Bangiga Aduunka ayaa waxa uu ku amaanay qaabka wanaagsan ee ay u wadaan barnaamij kani, kaas oo waxbadan ka bedelidoona qaab xisaabeedka wasaarada Maaliyada dawladda Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa shaagay in barnaamijka hab maamulka xisaabaadka Dawladda Puntland (PFM) uu fududayn doono dejinta miisaanida Puntland, wax weyna ka tari doono la socoshada kharashka ka baxay dawladda iyo kharashaadka dawladda u soo xerooday.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey hawl wadeenada wasaarada maaliyada Puntland inay muhimad gaara siyaan mashruucani kana faa’iidaystaan, si mustaqbalka ay si fudud uga midha dhaliyaan hiigsiga qorshaha mustaqbalka dhow iyo kan fogba ee wasaarada maaliyada dawladda Puntland.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *