Shirka Amniga Qaranka oo lagu wado in uu ka Furmo Magaalada Muqdisho

Published: February 5, 2018

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Shirka Golaha Amniga Qaranka uu ka furmo, kaasoo ay ka qeyb galayaan Madaxda dowladda Federaalkaah iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Shirka ayaa looga hadli doonaa arrimaha ammaanka, dhismaha ciidamada Qaran iyo qodobo kale waxana si rasmi ah u furaya Madaxweyne Farmaajo oo ah Guddoomiyaha Guddiga Ammaanka Qaranka .

Sidoo kale shirka ayaa la sheegayaa in looga hadli doona waxyaabihii ka qabsoomay shirarkii hore isla markaana lagu soo bandhigi doono warbixin ku saabsan amniga Qaranka iyo qorshaha lagu tayeynayo ciidamada qalabka sida.

Ilaa iyo hadda waxaa Magaalada Muqdisho gaaray Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Gaas, halka Madaxweynaha Galmudug uu horay ugu sugnaa, waxaa la filayaa inay yimaadaan Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koofur Galbeed-Soomaaliya.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *