Taliska ciidanka Xoogga oo xilal u kala wareejiyay taliyayaal cusub-Sawiro

Published: September 29, 2018

Taliyaha Ciidanka Xoogga DalkaSareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe)ayaa maanta ka qeyb-galay Munaasabad uuxilka kula wareegayey taliyaha cusub ee loo magacabay Ururka 60-aad ee ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya taas oo lagu qabtay xarunta taliska Ururka 60-aaad ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa la hadlay saraakiisha, saraakiil,xigeenada, allifleyda iyo dableyda Ururka 60-aad ee ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya, isagoona ku ammaanay shaqada ay u hayaan Bulshada iyo madaxda Dalka.

“Ururkaan waxaa uu kamid yahay ururada ugu fiican Ciidanka Xoogga Dalka, waxaan rabaa in miisaanka aad leedihiin aad sii muujisaan, waana idinku amaanayaa howshiina”ayuu yiri taliyaha.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *