Maxkamada Ciidamada Qalabka Sidda oo xukuno ku riday rag ku eedaysan alshabaab.

Published: November 24, 2019

Maxkamada Ciidamada Qalab-sidda ee Ciidamada Xooga Dalka ayaa xukuno kala duwan ku riday 2 nin oo lagu eedeyay in ay ka tirsan yihiin ururka Alshabaab, Mid ka midda eedaysanayaasha ayaa la qabtay xili uu rabay in uu isku qarxiyo Xaflad ka socotay Degmada Guriceel, Halka eedaysanaha labaadna ay maxkamadu sheegtay in uu ahaa sahmiye sidoo kalena uu goobta keenay eedaysanaha Koowaad.

Maxamuud Cabdi Cabdiraxmaan iyo Cali dhubad Nuur oo ah 2nin ee lasoo eedeeyay ayay Maxkamadu ku xuntay Xabsi daa’in sida uu warbaahinta la wadaagay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ( Shuute ) guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sidda.

Horseed Media, 2029

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *