Madaxii Ciidamada xulka ah ee Quds Oo Duqayn Cirka ah Lagu Dilay

Published: January 3, 2020

General Qassem Soleimani oo ahaa madaxii ciidamada gaarka aha ee Qudus ee Iiran ayaa lagu dilay duqayn cirka ah oo ka dhacday garoonka diyaaradaha ee magaaladda Baqdaad ee dalkaasi Ciraaq.

Duqayntan oo la aamisan yahay inay fuliyeen ciidamada cirka ee Maraykanka ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay Abu Mahdi al-Muhandis, oo ahaa taliye ku-xigeenkii Maleeshiyaadka dhaqdhaqaaqa Ciraaq ee ay taageerto dowladda .

Sida ay sheegeen saraakiisha Ciraaq, gantaal ayaa ku dhacay Kolonyo baabuur oo uu saarnaa general Qassem kuwaasoo marayay agagaarka garoonka diyaaradaha. weerarkan waxaa ku dhintay 7 qof oo kale.

Generaal Qassed Soleimani waxaa uu madax ka ahaa ciidamada Qudus oo ah qayb ka mid ah ciidamada kacaanka Iiraan oo qaabilsan meelaha ka baxsan Iiraan. waxaa lagu xasuustaa Generaalka uu kaalin firfircoon ka qaatay dagaaladda Suuriya ee lagu dilay Nus Malyuun qof .

Dhinaca kale, Wasaaradda Gashaandhiga ee Maraykanka ayaa sheegtay inuu Madaxweyne Donald Trump uu amray in la khaarajiyo Generaal Qassem Suliamn, sidoo kale dilka generaalka waxaa xaqiijiyay dowladda Iiraan.

Maalintii salaalsadii ee toddobaadkan ayaa dad caraysan waxay weerareen safaarada Maraykanku ku leeyihiin magaaladda Baqdaad ee Ciraaq.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *