Maraykanka oo sheegay inay burburiyeen saddex Drone oo Xuutiyiinta soo direen

Published: May 3, 2024

Mareykanka ayaa burburiyay diyaarado drone oo laga soo diray aagga Yemen oo ay maamulaan kooxda Xuuthiyiinta, sida uu sheegay taliska dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) Khamiistii shalay.

“Abaarihii 2:00 duhurnimo (waqtiga Sanca) ee May 2, 2024, ciidamada taliska dhexe ee Mareykanka (USCENTCOM) ayaa si guul ah u hawlgaliyay oo burburiyay saddex diyaarado drone ah (UAS) oo ay leeyihiin kooxda Xuutiyiinta Yemen,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Taliska CENTCOM.

Taliska CENTCOM waxa uu sheegay in ay mar walba ka hortagayaan “khatar ku soo fool leh” ciidamada isbahaysigooda iyo maraakiibta ganacsiga ee badda mareysa.

Xalay Saqdii dhexe ayuu mid kamid ah Gantaalada Cruise Missile ee la rumeysan in laga soo tuuray Yemen uu kusoo dhacay nawaaxiga degmada Taleex ee gobalka Sool. Gantaalkaasi ayaa kamid ah noocyada kooxda Xuutiyiinta u adeegsadaan maraakiibta badda mareysa.

Horseed Media