Golaha Wasiirrada Oo Meel Mariyay Istaraatiijiyadda La Dagaallanka Musuqmaasuqa

Published: June 4, 2020

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya,  ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Internetka, waxay ku meel mariyeen istaraatiijiyadda la dagaalanka musuqmaasuqa ee 2020-2023 iyo heshiisyada caalamiga ah ee la dagaallanka musuqmaasuqa.

Wasiirka caddaalada Xassan Xuseen Xaaji ayaa golaha uga mahad celiyay ansixinta istaraatiijiyadda iyo heshiisyada caalamiga ah ee qaybta ka qaadanaya dadaallada lagula dagaalayo musuqmaasuqa, sidoo kalana sare loogu qaadayo isla xisaabtanka iyo daah furnaanta si loo ilaaliyo amaanada ummadda.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka qeybtisii hore oo sidoo kale looga hadlay xaaladda COVID19, fulinta heshiiska IMF iyo DFS, iyo amniga dalka.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *