Madaxweyne Farmaajo Ayaa Xariga Ka Jaray Muqdisho Stadium Oo La Dayactiray

Published: June 30, 2020

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dib u dhiska Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho.

Munaasabadda lagu daahfurayey garoonka ayaa waxa kasoo qaybgalay raisul wasaare Kuxigeenka dalka, wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, guddoonka xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Garoonka Muqdisho ayaa kamid ahaa goobihii ku burburay dagaaladii ka dhacay Muqdisho, wuxuuna noqday xero ciidan oo ay ku kala dambeeyeen Ciidamadii Itoobiya (2007 illaa 2009), Kooxda Alshabaab (2009-kii illaa 2012) iyo Ciidamada Amisom oo degenaa wixii ka dambeeyey sanadkii 2012.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *