Masuuliyiinta Puntland: Hawlgalka Gaalkacyo wuu sii socon doonaa - VIDEO - Horseed Media

Masuuliyiinta Puntland: Hawlgalka Gaalkacyo wuu sii socon doonaa – VIDEO

Qaar kamid ah golaha wasiiradda Puntland iyo masuuliyiin kale ayaa si adag uga hadlay shaqaaqadii ka dhacday magaalada Gaalkacyo, taasi oo lagu dilay Taliyhii ciidamada Madaxtooyada Col. Cismaan Cumar iyo sarkaal kale.

Masuuliyiintan ayaa kala ahaa wasiirka maaliyadda Puntland, Xasan Shire, wasiirka amniga, Cabdisamad Gallan, taliyaha ciidamada booliska Puntland, Cabdi Yare iyo guddomiyaha gobolka Mudug, Cabdiladiif Sanyare.

Waxay tacsi u direen ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxeen taliyihii ilaalada madaxtooyada iyo askariga kale, iyagoo sheegay inay dowlada Puntland sii wadi doonto hawgalkan bilowday soona afjari doonto amni darradda gobolka Mudug.

Hoos ka daawo:

" Hawlgalka Gaalkacyo wuu sii socon doonaa"

Masuuliyiinta Puntland: Hawlgalka Gaalkacyo wuu sii socon doonaa

Posted by Horseed Media on Sunday, August 9, 2020

Horseed Media