Hong Kong: China oo xirtay Mulkiilihii Warbaahinta ugu saameynta badan

Published: August 10, 2020

Ciidamada amaanka ee Hong Kong oo hoostaga dowlada China ayaa xabsiga u taxaabay Maalqabeenka Jimmy LAI oo ah mulkiilaha Jaraa’idka Apple Daily ee sida adag uga soo horjeeda siyaasada Shiinaha iyo cadaadiska lagu hayo shacabka Hong Kong.

Waxaa kamid ah dadka la xiray qaar kamid ah suxufiyiin iyo waliba hogaamiyayaasha mucaaridka Hong Kong.

Xariga dadkan ayaa kusoo beegmay xili Shiinaha uu 30kii bishii June uu dhaqan geliyey sharuuc cusub oo looga hortagayo dadka mucaaridka ah, sharuucdan oo ay horey shacabka Hong Kong ugu tilmaameen in lagu caburiyo laguna burburinayo xaquuqdooda.

Maalqabeenka Jimmy Lai oo kamid ah mucaaridka sida weyn uga qeyb qaatay banaanbaxyada looga soo horjeedo dowlada Beijin ayaa horey dacwado loogu soo oogay, balse dacwada hada loo heysto oo lagu saleeyey sharuucda cusub ayaa ah mid culus oo lagu sheegay inuu gacan-saar lalahaa “…xoogag-shisheeye…“ oo amniga khatar ku ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *