Wajiga labaad ee dhismaha Wadada Ceel-Daahir – Ceerigaabo oo la bilaabay – VIDEO

Published: August 25, 2020

Waxaa si rasmi ah loo bilaabay wajiga labaad ee mashruuca balaaran ee dhismaha wadada isku xiri doonta Ceel Daahir illaa Ceerigaabo.

Hawsha wadada oo muddo dheer soo socotay ayaa waxaa maanta la bilaabayaa in daamurka la dhigo 10km ee ugu horeysay wadadan oo la doonayo inay isku xirto dhul aad u balaaran.

Guddiga dhismaha wadada iyo maamulka oo shir jaraa’iid qabtay ayaa shacabka iyo gaadiidleyda ka codsaday inay maraan wadada kumeel gaarka ah ee loo sameeyey oo aysan marin wadada hawsha ka socoto.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *