Madaxweyne Deni Iyo Cabdiraxman Cabdishakuur Oo Kulmay

Published: August 31, 2020

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta madaxtooyadda Puntland ee Garoowe kula kulmay hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame iyo xubno la socday.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay isaga iyo madaxweyne Deni inay ka wada hadleen arrimo ku saabsan siyaasadda dalka gaar ahaan xiliga lagu jiro ee marxalada kala guurka.

Waxaan aniga wafdigii safarka igu wehliyey kulan la qaadanay madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid C/laahi Deni. Waxaan iska waraysanay xaaladda siyaasadeed ee dalka guud ahaan iyo gaar ahaan xilliga kala guurka ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sabtidii yimid Garoowe, waxaana uu kulankan kusoo beegmaya xili uu madaxweyne Deni ku wajahan maalinta berri oo talaado ah magaalada Muqdisho si uu ula kulmo madaxweynaha Farmaajo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *