WFP oo ku guuleysatey Abaalmarinta Nabadda ee Nobel

Published: October 9, 2020

Abaalmarinta Nobel Peace Prize 2020 waxaa ku guuleustey Barnaamijka Cuntada ee Qaramada Midoobay (WFP) taas oo la dagaallanka gaajada adduunka oo dhan.

Sida ku xusan warbixinta abaalmarinta, WFP (Barnaamijka Cuntada Adduunka) waxay ku guuleysatey Abaalmarinta Nabadda ee la dagaallanka gaajada, dadaalka ay ugu jirto hagaajinta xaaladaha nabadeynta goobaha ay colaaduhu ka jiraan iyo inay yihiin awoodda wadista shaqada isku dayaysa inay ka hortagto in gaajada loo adeegsado hub ahaan ee dagaalka iyo khilaafaadka.

Intaas waxaa sii dheer, waxaa la sheegay in iyadoo la hubinayo sahayda cuntada, WFP aysan ka hortagin oo keliya gaajada, laakiin ay sidoo kale gacan ka geysaneyso hagaajinta fursadaha xasilloonida iyo nabadda.

Waxaa jirta dood ka dhan ah sida muddooyinkii danbe ay u shaqeynayeen guddiga abaalmarinta Nobel, waxaana horey loo siin jirey dad nabadda wax ka qabtey ama ka tarey ama keenay heshiisyo wanaagsan, laakiin muddooyinkii danbe ayey la kulmayeen dhaliilo in aysan helin musharixiin u qalma. Sanadkii la soo dhaafey ee 2019 waxaa ku guuleystey raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, inkasta oo tan iyo markii uu abaalmarinta ku guuleystey Itoobiya ay ka socden dhibaatooyin uu awood ku xalinaayey.

318 qof ayaa sanadkan loo sharaxay abaalmarinta Nobel Peace Prize kuwaas oo isugu jira – 211 qof iyo 107 urur. Ku guuleystaha waxaa magacaabay Guddiga Nobel ee Nobel, oo ka kooban shan xubnood oo ay magacaabaan Baarlamaanka Norway.

Abaalmarinta waxaa la bixin doonaa 10-ka Diseembar, sanad-guuradii dhimashadii Alfred Nobel. Xaflada abaalmarinta sanadkaan waxaa saameeyey musiibada Korona Fayrsan waxay ka dhacaysaa hoolka jaamacada Oslo iyadoo ay goobjoog ahaayeen ilaa boqol qof oo marti ah oo keliya. Abaal marinta [Nobel Peac Prize] ayaa soo socotay tan iyo sanadkii 1901.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *