Puntland Oo Amar Kasoo Saartay Xakamaynta Sicir Bararka

Published: December 3, 2020

Shirka khamiislaha ee golaha wasiirada Puntland oo shir guddoomiyey madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, isla markaana uu kala qaybgalay ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa looga hadlay, Sarifka Lacagaha, Xeerka Cod-bixiyeyaasha Puntland, Xeerka dib-u-eegista Xafiiska Guud ee Dowladda Puntland, Saamaynta duufaantii GATI, Xaaladda Ayaxa iyo Hab-raaca samaynta siyaasadaha Hay’addaha Dowladda.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa golaha uga warbixisay cabashooyinka la xiriira sarifka lacagaha, dood kadib shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu go’aamiyey:

1. In laga billaabo (05 December 2020) $1 iyo wixii ka yarba aan lagu diri karin adeegyada mobile-ka ee lacag-ta danabeysan, sida SAHAL iyo E-Dahab.

2. Waxaa la faray dhammaan xafiisyada dowladdaha hoose ee degmooyinka in cashuurta ay ku qaadi karaan Shillin Soomaali sidii ay hore u aheyd.

Dhanka kale golaha wasiirada ayaa ansixiyey xeerka cod-bixiyeyaasha Puntland oo ay golaha usoo gudbiyey guddiga Kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland, Xeerkan oo laf-dhabar u ah hirgelinta qorshaha dimuqraadiyadda Puntland ayaa loo gudbin doonaa golaha wakiillada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka duulaya warbixin ay golaha la wadaagtay wasaaradda deegaanka, beeraha iyo isbedelka cimilada, ayaa guddi heer wasiiro ah u magacaabay Ayaxa iyo saameynta uu ku yeelanayo deegaanada Puntland.

Golaha ayaa loo qeybiyay Xeerka dib-u-eegista Xafiiska Garyaqaanka Guud iyo hab-raaca sameynta siyaasadaha hay’addaha Puntland, si ay usoo akhriyaan loogana doodo kulamada danbe ee golaha wasiirada.

Sidoo kale waxaa goluhu warbixin ka dhegaystay guddiga xaaladda ka dhalatay duufaanta GATI ee saameysay deegaanada Puntland, madaxweyne Deni ayaa faray dhammaan hay’addaha dowladda inay guddiga kala shaqeeyaan gurmadka loo fidinayo dadkii waxyeeladu gaartay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Wa aqli xumo in iyada daka ka cawanaayan canshuurta lagu qadaayo doolar hadan wali lasii wada in canshuurta lagu qaado doolar. Wa nasiib daro. Shacbka iyaga iska diididoona waxaan sacado