Raysal Wasaare Rooble Iyo Madaxweyne Deni Oo Ku Shiraya Garoowe – VIDEO

Published: December 12, 2020

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ra’iisal Wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulankii ugu horeeyay ee rasmi ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Shirka ayaa waxaa kasoo qeybgalay madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq.

Kulankan oo ah mid ay albaabadu xiran yihiin isla markaana ay dibad joog ka tahay warbaahinta ayaa looga hadlaya marxaladda uu dalku marayo gaar ahaan arrimaha doorashadda.

Link-ga hoose ka daawo:

https://youtu.be/6wlksqBYS30

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *