Furitaanka Olombikada Tokyo iyo caqabadaha Covid19

Published: July 23, 2021

Waxaa maanta oo jimce ah magaalada Tokyo ee dalka Jabaan ka furmaya ciyaaraha Olombikada oo sanadkii lasoo dhaafay dib loo dhigay, xili ay hada soo baxayaan in qaar kamid ah ciyaartoyada hada joogta halkaasi laga helay cudurka caalamka ku faafay ee Covid19.

Dowlada Jabaan oo olole xoogan u gashay qabashada ciyaarahan ayaa diiday inay markale dib u dhigto ciyaarahan xili weli cudurka covid19 uu caqabad ku yahay isu socoka caalamka.

Ciyaarahan ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan 11-kun oo ciyaaryahano caalamka ka kala yimid iyadoo laga cabsi qabo inuu halkaasi si baaxadleh ugu faafo caabuqa Coronavirus.

Cabsida Covid19 ayaa keentay in gebi ahaan ciyaarahan aysan kasoo qeyb geli doonin dadkii daawan jiray iyo taageerayaasha wadamada, waxaana si joogto ah loo barayaa mar walba dhamaan ciyaartoyda.

Illaa iyo hada waxaa cudurkan laga helay in ka badan 19 kamid ah ciyaartoyda iyo wafuuda ku sugan Tokyo.

Wadanka Soomaaliya waxaa sanadkan uga qeyb galaya orodyahanka da’ada yar ee  Cali Iidow Xasan oo ka qeyb qaadan doona tartanka orodka 1500 mitir.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *