Haiti: Taliyihii Madaxtooyada oo loo xiray Dilkii Madaxweyne Moise

Published: July 27, 2021

Booliiska Haiti ayaa xaqiijiyey in xabsiga la dhigay Taliyihii Madaxtooyada Haiti oo loo heysto inuu ku lug lahaa weerarkii 7dii Luulyo (July) lagu dilay Madaxweynihii dalkaasi Jovenel Moise.

Taliyaha la xiray oo lagu magacaabo  Jean Laguel ayaa ahaa madaxii illaalada Madaxtooyada isagoona lagu tuhmay inuu qeyb ka ahaa weerarka lagu kharajiyey Madaxweynihii Haiti oo gurigiisa lagu dhex dilay xili saq-dhexe ah iyadoo kooxda dilkaasi fulisay ay si fudud ama iyagoo aan xabad ridin ku dhaafay illaaladii Madaxtooyada.

Afhayeenka Booliiska Haiti ayaa saxaafada u xaqiijisay in Taliyahan loo xiray baaritaanka weerarkii lagu dilay Madaxweynaha.

Balse Qareenka u doodaya Taliyahan ayaa xarigan ku tilmaamay mid siyaasad salka ku haya.

Waxaa Taliyaha lagu xiray xabsi ku yaal magaalada Delmas ee duleedka caasimada dalkaasi ee Port-au-Prince.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *