Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta la kulmaya Guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi

Published: August 3, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaadanaya Guddiga maamulaya Doorashooyinka Xildhibaanada Gobolada Waqooyi.

Rooble ayaa shalay soo gabagabeeyay wadatashiyo la xiriira xal u helista doorashada hoggaanka guddiga doorashada gobollada Woqooyi kuwaasoo uu la lahaa Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed.

Khilaafka u dhaxeeya siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Waqooyi ayaa cirka isku shareeray kadib markii la isku khilaafay Guddiga maamulaya Doorashooyinka kuraasta gobolada Waqooyi

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *