Kulankii RW Rooble iyo madaxda Galmudug, Koonfur Galbeed & Hirshabeelle

Published: January 3, 2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay la kulmay madaxweynayaasha Dowlad-goboleesyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ka hor Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan ka furmaya Muqdisho.

Sadexdan maamul ayaa labo kamid ah horey uga aamuseen kulanka uu ku baaqay Raysalwasaaraha halka maamulka Koonfur Galbeed uu shirkaasi horey u qaadacay.

Maamuladan oo la sheegay inay cadaadis xoogan kala kulmeen Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo la filayo inuu ka furmo caasimada Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Muqdisho ku sugan madaxda Puntland iyo Jubbaland oo iyagu horey u muujiyey taageerada shirkaasi uu ku baaqay Rooble.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *