Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Ergayga Norway u qaabilsan Soomaaliya - Horseed Media

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Ergayga Norway u qaabilsan Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlada Jubaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Heidi Elburgi Johansen, ergayga Dowlada Norway u qaabilsan Soomaaliya.

Kulankan oo Madaxweynaha uu ku wehelinayay Gudoomiyaha Gobolka Jubada Hoose, Cabdirashiid Cabdullahi Gooni ayaa lagaga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo tageerada Dowlada Norway ee dhinacyada hormarka iyo dib u dhiska dalka.