Kulankii 2aad ee Issimada iyo Madaxweynaha Puntland oo ka dhacay Madaxtooyada Bosaso

Published: February 26, 2022

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Bosaaso ku qaabilay Boqor Burhaan Boqor Muuse, Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin iyo Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad.

Kulankan ayaa ah kii labaad oo ay yeeshaan Issimada ku sugan Bosaaso iyo Madaxweynaha Puntland, kulankoodii kowaad ee dhacay Khamiistii ayaa diirada lagu saaray dhibaatadii ka dhacday magaalada Bosaaso dhamaadkii bishii December iyo dagaalkii u dhaxeeyey ciidamada Dowlada iyo Hay’ada PSF.

Qoraal lagu shaaciyey barta Facebook ee Boqor Burhan ayaa lagu sheegay in kulankii maanta jawi wanaagsan kusoo dhamaaday isla markaa loo balamay kulan sadexaad oo la rajeenayo in lagu soo afmeero wadahadalka u socda issimada iyo Madaxweynaha.

Xalinta Khilaafaadka keenay dagaalkii Bosaaso ee salka ku haya murranka u dhaxeeya Taliska PSF iyo Madaxweynaha Puntland ayaa fure ah qodobo badan oo horyaal labada dhinac oo ay kamid tahay doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka iyo horumarinta Dekada magaalada Bosaaso oo ay Issimada horey uga soo saareen go’aan ah in 17% dakhliga lagu horumariyo Bosaaso iyo Gobalka Bari.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *