23 qof oo ku dhintay qarax miino oo ka dhacay waqooyiga Nigeria

Published: April 28, 2024

Ugu yaraan 23 xubnood oo ka tirsan ciidamada isku dhafka rayidka ah ee Nigeria ayaa Sabtidii lagu dilay weeraro kala duwan oo ay fuliyeen mintidiin iyo koox hubaysan oo afduub ka geystay waqooyiga, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Axaddii.

Waqooyiga Bari ee gobolka Borno, oo ah xudunta fallaagada xagjirka ah, ayaa la tuhunsan yahay in dagaalyahannada dowladda Islaamiga ah ee Galbeedka Afrika (ISWAP) ay u adeegsadeen walxaha qarxa inay ku qarxiyaan baabuur ay la socdeen Ciidamada rayidka ah ee Tast Force (CJTF).

Ciidamada CJTF ayaa la aasaasay 2013 si ay u ilaaliyaan bulshooyinka waqooyi bari iyo inay ka caawiyaan militariga la dagaalanka Boko Haram iyo Daacish.

Horseed Media