27 qof oo ku dhintay dab ka kacay kaalin shidaal oo ku taal ismaamulka Dagestan ee Ruushka

Published: August 15, 2023

Dab iyo qarax ka dhacay kaalin shidaal oo ku taalla gobolka Dagestan ee koonfurta Ruushka ayaa dilay ugu yaraan 27 qof oo ay ku jiraan saddex carruur ah, waxaana ku dhaawacmay tobaneeyo qof, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Interfax oo soo xiganaysa dhakhaatiirta degdegga ah.

Dabka ayaa ka billowday goob baabuurta lagu dayactiro oo ku taal waddada dhinaceeda waddo weyn oo ku taalla caasimadda Dagestani ee Makhachkala, taasoo ku taalla badda Caspian, habeenkii Isniinta, waxaana uu sababay qaraxyo ku fiday kaalin shidaal oo u dhow, sida ay saraakiishu sheegeen maanta oo Talaada ah.

Tirada dadka dhaawacmay ayaa gaartay ilaa 66, halka 10 ka mid ah ay xaaladoodu liidato, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee RIA oo soo xiganeysa wasiir ku xigeenka caafimaadka Ruushka Vladimir Fisenko. 13 kamid ah dadka dhaawaca ah waa carruur, Interfax ayaa werisay iyadoo soo xiganeysa wasaaradda caafimaadka ee Dagestani.

Diyaarad ayaa loo diray Makhachkala si ay dhaawacyada halista ah ugu daad gureyso Moscow, sida ay sheegtay wasaaradda xaaladaha degdegga ah ee Ruushka.

Horseed Media