Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada oo ka hadlay go’aankii Hirshabeelle kaga baxday heshiiskii Kismaayo

Published: September 19, 2018

Qoraal ka soo baxay Golaha Islaashiga Maamul goboleedyada ayaa jawaab deg-deg looga bixiyay mowqifkii maamul goboleedka Hirshabeelle uga laabtay go`aankii maamul goboleedyada ku gaareen Kismaayo ee xiriirka loogu jaray dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa sheegay in heshiiska Hirshabeelle iyo dowladda Federaalka aanu khuseyn Golaha, isla markaana aanu waxba ka bedeli doonin go`aankii maamul goboleedyada ka soo saareen shirkii Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in Hirshabeelle u madax bannaan tahay ka tashiga iyo go`aan ka gaarista masiirka dowladeed iyo mid ummadeed.

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa sheegay in is afgaran waaga ka dhaxeeya dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka uu yahay mid ku saabsan qadiyado waa weyn oo ku tacaluqa amniga guud ee Qaranka .

Hadaba hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay golaha iskaashiga Maamul goboleedyada

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *