35 burcad-badeed Soomaali ah oo Hindiya maxkamad uga bilaameyso

Published: March 18, 2024
Qabashada markabka MV Ruen

Kadib markii la soo badbaadiyey markabkii ganacsiga ee MV Ruen ee Burcadbadeeda Soomaalidu qabsatey 14 Diseembar 2023, ayaa ciidamada Hindiya ay dalkooda gaarsiiyeen 35 Burcad badeed Soomaali ah kuwaas oo is dhiibey.

Burcadbadeeda ayaa hadda wajahaya laba denbi oo kala ah in ay rasaas ku fureen ciidanka badda ee Hindiya iyo qabsashada markab ganacsi oo sidey xamuul.

Dhanka kale Mulkiilayaasha markabka MV Ruen ayaa oo sidey ku dhawaad 37,800 oo ton oo xamuul ah ayaa dalabanaya in markabkooda lagu wareejiyo.

Afhayeenka u hadley ciidamada Hindiya ayaa sheegay in Burcadbadeedu ay soo rideen diyaarad drone ah oo ay markabka u direen taas oo duubtey muuqaal iyaga oo rasaas la dhacaya, sidoo kale waxay rasaas ku fureen Markabka dagaalka ee INS Kolkata, waxaan ka bixiney ayuu yiri jawaab sax ah annaga oo dhamantood gacanta ku dhigney.

Shaqaalaha saarnaa markabka MV Ruen oo u kala dhashey dalalka Bulgaariya, Angoola Mynamar oo gaaraya 17 ayaa si nabad ah loo gaarsiiyey Hindiya.

Qabsashada markabka MV Ruen ayaa ka dhigeysa tii u horeysey tan yo sanadkii 2017, waxaana hadda gacanta Burcadbadeed a ku jira markabkii labaad ee ay qabsadaan MV Abdullahi, kaas oo ay gacanta ku dhigeen todobaadkii hore, waxaana laga lee yahay dalka Bangaladhesh, waxaa la sheegay in uu sidey Dhuxul kuna jeeday dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.