40 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay duqaymo ka dhacay Suudaan

Published: September 14, 2023
Shares4

Ugu yaraan 40 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo Arbacadii ka dhacay gobolka Darfur ee dalka ay colaaduhu aafeeyeen ee Suudaan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP oo ka soo xiganaysa isbitaal ku yaalla magaalada Nyala.

Gobolka galbeedka ee Darfur – oo ay ku nool yihiin afar meelood (rubuc) ka mid ah dadka Suudaan – ayaa waxaa ka dhacay dagaalladii ugu xumaa ee shanta bilood socday ee u dhexeeyay ciidammada dalkaas iyo kooxda RSF-ta.

Sida laga soo xigtay shaqaalaha caafimaadka, duqeymo diyaaradeed oo dad badan ay ku dhinteen ayaa Arbacadii lagu garaacay laba suuq iyo tiro xaafado ka tirsan Nyala.

Weerarkan ayaa yimid maalin kadib markii 17 qof oo rayid ah lagu dilay magaalada Umdurman ee Khartuum dhinaca ku haysa. Goob joogayaal ayaa rumeysan in kooxda RSF ay fulisay weerarka.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in ugu yaraan 51 qof ay ku dhinteen tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo cirka ah oo ka dhacay koonfurta Khartoum Axadii, sida uu sheegay madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Volker Turk.

Ma jirto wax calaamad ah oo muujinaya in dagaaladu ay yaraan doonaan mustaqbalka dhow, xitaa iyadoo baahida bini’aadantinimo ee malaayiin ay kordheyso. Dagaalka ayaa ku qasbay in ka badan shan milyan oo qof inay qaxaan, oo ay ku jiraan hal milyan oo ka qaxay xudduudaha qaranka Sudan, sida lagu sheegay warbixinnada Qaramada Midoobay.

Horseed Media