9 Qof oo Ka Tirsan Xisbullah oo Ku Dhintay isgaarsiin La Qarxiyay

Published: September 17, 2024
Shacab ku xoonsan Cusbitaalka Jaamacada Maraykanka ee caasimada Beirut

Ugu yaraan 9 qof oo ay ku jirto gabar yar ayaa ku dhintay, 2800 oo qof oo kale waa ay ku dhaawacmeen kadib markii nidaamka isgaarsiinta Pager-ka oo ay isticmaalaan ururka Xisbullaah ee dalka Lubaan la qarxiyay.

Dadka weerarka ku dhaawacmay waxaa ka mid ah Safiirkii dowladda Iiraan u fadhiya wadanka Lubaan Mojtaba Amani iyo saraakiil ka tirsan dagaalyahanadaas. Ururka Xisbullaah waxay sheegeen in la jabsaday Serverka isgaarsiinta Bager-ka, weerarkaasi waxa ay ku eedeeyeen dowladda Isreal.

Pager-ku waa alad yar oo ah isgaarsiinta fariimaha la isugu diro oo aad loo isticmaali jiray Sanadihii 80aad iyo 90aad ee qarnigii hore, xiliyada dambe waxaa isticmaal milateriga iyo sirdoonada qaarkood.

HORSEEDMEDIA