Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji, ayaa ka qeyb galay kulan ay…
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji, ayaa ka qeyb galay kulan ay yeesheen Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika.
Kulanka oo ku qabsoomay Aaladda Fogaan aragga ee (Zoom-ka) ayaa looga hadlay Qorshaha ay Dowladda Soomaaliya kula wareegi lahayd Amniga Dalka iyo qorshaha bixitaanka Ciidamda Amisom, iyo sidokale hanaannkii Ciidamada Xoogga Dalka ay u Hoggaamin lahaayeen Howlgalada ka dhanka Argagixisadda.
Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in Dowladda Fedaraalka Soomaaliya, ay dadaal Xoog leh galisay Tababaridda iyo Tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, isla markaana ay ka go’antahay Xaqiijinta Amniga guud ee Dalka.
Kulankan ayaa daba Socaday kulamo Midowga Africa iyo Dowladda Fedaraalka Soomaaliya, ay ka yeelanayeen Xaalada Kala Guur Ciidanka oo Qorsheheedda Mudo Soo Socday.