Waxaa maanta madaxtooyada Puntland ee Garoowe lagu dhaariyey guddoonka cusub ee maxkamada sare, kuwaas oo uu…
Waxaa maanta madaxtooyada Puntland ee Garoowe lagu dhaariyey guddoonka cusub ee maxkamada sare, kuwaas oo uu dhowaan magacaabay madaxweyne Deni.
Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta xubnaha Maxkamadda Sare.
Waxaa munaasabadda lagu dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran), Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed iyo xubnaha garsoorka kala shaqeynaya.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta la dhaariyay in ay sida ugu wanagsan u gutaan waajibaadka loo igmaday, wuxuuna alle uga baryay in uu xilka u fududeeyo.
Horseed Media