
Waxaa maanta madaxtooyada Puntland ee Garoowe lagu dhaariyey guddoonka cusub ee maxkamada sare, kuwaas oo uu dhowaan magacaabay madaxweyne Deni.
Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta xubnaha Maxkamadda Sare.
Waxaa munaasabadda lagu dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran), Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed iyo xubnaha garsoorka kala shaqeynaya.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta la dhaariyay in ay sida ugu wanagsan u gutaan waajibaadka loo igmaday, wuxuuna alle uga baryay in uu xilka u fududeeyo.







Horseed Media