Isimada dhaqanka ee Gobolka Bari oo ka hadlay dhacdadii Garoonka diyaaradaha ee Bosaso

Published: July 11, 2022

Isimada dhaqanka ee Gobolka Bari ayaa ka hadlay dhacdii maanta ee Garoonka Bosaso looga hor istaagay inay ka soo degto Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya Sacdiya Salaad oo weday deeq gargaar ah.

Is hortaaga ayaa ka dhashay dagaal dhex maray ciidamada PSF oo doonayey inay soo gelbiyaan Wafdiga Dowladda Federaalka iyo Ciidmada PMPF ee ay maamulaan Imaaraadka.

Isimadda Gobalka Barri, ayaa kubaaqay Xabadjoojin deg deg ah oo ah ciidamada Puntland dhexdooda oo dagaalamaya markii 2aad tan iyo markii Siciid Deni xukunka Puntland yimi.

Isimadan oo kala ahaa Boqor Burhaan Boqor Muuse, Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin & Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad oo warhaainta kula hadlay ayaa cambaareyey Talaabadii Puntland ay ku celisay Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya Sacdiya Salaad, waxayna sheegeen in ay taageersan yihiin dawladnimada Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *