Mas’uuliyiin katirsan Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Isaaq Cabdi ayaa…
Mas’uuliyiin katirsan Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Isaaq Cabdi ayaa Degmada Bardaale u tagay qiimeynta Nabadgalyada Degmadaas.
Wasiirka ayaa lagu wadaa in uu la kulmo Maamulka Degmada Bardaale, Saraakiisha Ciidanka Federaalka, Daraawiishta Koofur Galbeed, Midowga Afrika ee ATMIS & Qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Ujeedka safarka mas’uuliyiintaan ayaa ah u kuurgelida xaaladda dadka kunool degmada Bardaale iyo sidii loo fulin lahaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.
Isu socodka Waddooyinka Degmooyinka Gobollada Bay, Bakool & Shabeelaha Hoose ee Koofur Galbeed ayaa kala xirxiran, taas oo saameyn ku yeellatay shacabka.
Horseed Media