
Mas’uuliyiin katirsan Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Isaaq Cabdi ayaa Degmada Bardaale u tagay qiimeynta Nabadgalyada Degmadaas.
Wasiirka ayaa lagu wadaa in uu la kulmo Maamulka Degmada Bardaale, Saraakiisha Ciidanka Federaalka, Daraawiishta Koofur Galbeed, Midowga Afrika ee ATMIS & Qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Ujeedka safarka mas’uuliyiintaan ayaa ah u kuurgelida xaaladda dadka kunool degmada Bardaale iyo sidii loo fulin lahaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.
Isu socodka Waddooyinka Degmooyinka Gobollada Bay, Bakool & Shabeelaha Hoose ee Koofur Galbeed ayaa kala xirxiran, taas oo saameyn ku yeellatay shacabka.
Horseed Media