Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii ugu dambeeyey ee kalfadhiga koowaad, sida…
Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii ugu dambeeyey ee kalfadhiga koowaad, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay Golaha.
Kulanka Golaha ayaa looga hadli doona afar ajende oo xiritaanka kaldhiga koowaad uu ku jiro, kuwaas oo kala ah:
1 – Dhageysiga Warbixinta dhibaato weyn oo ka jirta Gobolka Bakool.
2 – U codeynta labo Habdhawre ku-Xigeen oo magacaaban.
3 – Doorashada xubnaha Guddiga kor-joogteynta dib u eegista Dastuurka KMG ah ee dalka.
4 – Xiritaanka kalfadhigaan 1-aad ee Golaha shacabka – BFS.
Kulankan markii uu soo geba-gaboobo kadib Xildhibaannada ayaa geli doona fasax Nasasha ah oo ay ku dhawaaqi doonaan Guddoonka Golaha Shacabka.
Horseed Media