Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta kulan yeelanaya

Published: August 25, 2022
Shares92
Kulan ay maanta yeelan lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka oo u baaqday sababo Amni

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii ugu dambeeyey ee kalfadhiga koowaad, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay Golaha.

Kulanka Golaha ayaa looga hadli doona afar ajende oo xiritaanka kaldhiga koowaad uu ku jiro, kuwaas oo kala ah:

1 – Dhageysiga Warbixinta dhibaato weyn oo ka jirta Gobolka Bakool.
2 – U codeynta labo Habdhawre ku-Xigeen oo magacaaban.
3 – Doorashada xubnaha Guddiga kor-joogteynta dib u eegista Dastuurka KMG ah ee dalka.
4 – Xiritaanka kalfadhigaan 1-aad ee Golaha shacabka – BFS.

Kulankan markii uu soo geba-gaboobo kadib Xildhibaannada ayaa geli doona fasax Nasasha ah oo ay ku dhawaaqi doonaan Guddoonka Golaha Shacabka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *