Guddoomiye Aadan Madoobe oo kulan la yeeshay saraakiisha ciidanka xoogga ee ku sugan degmada Xudur

Published: December 13, 2022
Shares12

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la yeeshay saraakiisha ciidanka Qeybta 60-aad Guutada 9-aad ee ku sugan degmada Xudur Gobolka Bakool.

Ku-simaha Madaxweynaha JFS ayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Booliska ee ku sugan magalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ku boggaadiyay sugidda amniga deegaanada.

Sidoo kale waxa uu ku ammaanay dadaalka joogtada ah ay ku bixiyaan la dagaalkan kooxda Al-Shabaab isagoo na ku dhiirageliyay saraakiisha ciidanka ineysan marnaba ka niyad jabin dagaalka dalka looga xorreeynaayo kooxdaas.

Ku simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta lagu wadaa in uu la kulmo maamulka Gobolka Bakool, kan Degmada Xuddur & Saraakiisha ATMIS.

Horseed Media