Hoggaamiyaha golaha dhexe ee maamulka SSC-Khaatumo ayaa ku dhawaaqey Sagaal xogahaye (Wasiiro) oo maamulkaasi yeelanaayo. Qoraal…
Hoggaamiyaha golaha dhexe ee maamulka SSC-Khaatumo ayaa ku dhawaaqey Sagaal xogahaye (Wasiiro) oo maamulkaasi yeelanaayo.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Cabdiraxmaan Axmed Cali Hoggaamiyaha Golaha Dhexe ee SSCKhaatumo ayaa lagu yiri:
Markii aan aragney baahida loo qabo magacaabidda Xoghayayaasha Xafiisyada Golaha Fulinta oo leh khibradda, aqoonta, iyo mas’uuliyadda loo baahanyahay ayaan magacaabey:
- Mudane Dr Yuusuf Sulaymaan Sancad ayaa loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Bulshada
- Mudane Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah
- Mudane Cabdisahal Jaamac Maxamed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu Heshiisiinta
- Mudane Cabdirashiid Maxamuud Maxamed Xambuuse ayaa loo magacaabay Xoghayaha Maaliyadda
- Mudane Cabdulsataar Sh. Cismaan Cumar ayaa loo magacaabay Xoghayaha Ganacsiga, Warshadaha, Maalgashiga iyo Wax soo saarka
- Mudane Daahir Cabdirisaaq Axmed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda
- Mudane Maxamuud Yuusuf Xasan ayaa loo magacaabay Xoghayaha Amniga
- Mudane Cabdixakiim Jaamac Dalmar ayaa loo magacaabay Xoghayaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare
- Mudane Cabdiqaadir Cabdi Warsame Digaale ayaa loo magacaabay Xoghayaha Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Dibu Dhiska
Maamulka SSC-Khaatumo ayaa loo dhisey 45 xubnood oo loogu yeero golaha dhexe ee SSC-Khaatumo, waxay doorteen Guddoomiye iyo ku-xigeenka golaha fulinta ee SSC-Khaatumo taas oo caawa a dhamaystirey iyada oo si lamid ah mamaulkii Puntland 1998 loogu walqalay 9 Wasiir ama Xoghaye.
Horseed Media