Roobabka xilliga dayrta ee Koonfurta Soomaaliya oo la filaayo in uu noqdo mid xooggan

21 September, 2023

Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee Dowladda federaalka ayaa digniin u dirtay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan…

Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee Dowladda federaalka ayaa digniin u dirtay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool koonfurta dalka, iyadoo uga digtay khatarta fatahaadda Illino ee ka dhalan kara roobabka xooggan ee la filayo.

Wasaaradda ayaa sheegtey in xarunta saadaasha cimilada ee IGAD ay odoros ay samaysey muujineyso kororka xooggan ee xaddiga roobka xilliga dayrta ku soo wajahan Soomaaliya kaas oo sababi kara Ellino. wasaaradda ayaa sheegtey in ay welwel ka qabto, saameynta ka dhalan karta fatahaada.

Wasaaraddu waxay ugu baaqday hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka inay si dhow ula socdaan xaaladda, ayna u diyaar garoobaan saamaynta ka dhalan karta fatahaadaha ka dhasha roobabka la filayo inay dalka ka da’aan.

Inta badan dabayaaqada sanadka, Soomaaliya ayaa caan ku ah roobab dabeyla wata. Meelaha ugu badan ee roobabkaasi ay ka da’aan waxaa kamid ah Puntland iyo Somaliland, waxayna geystaan khasaare naf iyo maalba leh.

Horseed Media