Eyga Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, oo lagu magacaabo (Commander / Taliye), ayaa laga saaray Aqalka Cad…
Eyga Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, oo lagu magacaabo (Commander / Taliye), ayaa laga saaray Aqalka Cad kadib markii uu weerar ku qaaday qaar kamid ah shaqaalaha iyo illaalada Madaxtooyada Maraykanka, sidey xaqiijisay afhayeen u hadashay Marwada Koowaad Jill Biden.
Elizabeth Alexander, oo ah agaasimaha isgaarsiinta ee marwada koowaad, ayaa sheegtay in madaxweynaha iyo xaaskiisa ay ahmiyad weyn u leedahay amniga shaqaalaha Aqalka Cad iyo ciidamada amniga ee ilaaliya iyaga.
Xaqiijiinta in Eygii TALIYE laga saaray Aqalka Cad ayaa timid saacado kadib markii Afhayeenka Aqalka Cad, Ms.Karine Jean-Pierre lagu weydiyay shirka saxaafada ee maalinle ah, su’aalo la xariira eedeymo cusub oo ah inuu eyga Madaxweynaha qaniinay shaqaale ka tirsan Aqalka Cad.
Horseed Media