Tirada dhimashada dhulgariirkii ka dhacay Afganistaan oo gaartay 2000

8 October, 2023

Tirada dadka ku dhintay dhulgariirrada xoogga badan ee galbeedka Afgaanistaan ayaa lagu qiyaasay 2000 oo qof,…

Tirada dadka ku dhintay dhulgariirrada xoogga badan ee galbeedka Afgaanistaan ayaa lagu qiyaasay 2000 oo qof, sida uu maamulka Taliban.

Suhail Shaheen, oo ah afhayeenka Taliban ee fadhigiisu yahay Qatar, ayaa sheegay in ay socdaan gurmadka lagu badbaadinaayo dadka ku go’doonsan burburka dhismayaasha hoostooda.

Sarkaalkaasi ayaa sheegay in loo baahan yahay gurmad deg-deg ah oo la garsiiyo dadka ku waxyeeloobay dhulgariirkaasi, wuxuuna ka codsaday ganacsatada gudaha iyo hay’adaha samafalka inay u gurmadaan dadka dhibaateysan.

Qaramada Midoobay ayaa shalay gelinkii danbe sheegtay in tirada dhimashada ay gaareyso 1000.

Dhulgariirkaan oo awoodiisa ahayd 6.3 ayaa ku dhuftay meel 40km u jirta magaalada Herat oo dhacda waqooyi-galbeed.