Inkastoo Xamaas ay ku hanjabtay inay dili doonto la haystayaasha mar kasta oo Israa’iil ay duqeyso…
Inkastoo Xamaas ay ku hanjabtay inay dili doonto la haystayaasha mar kasta oo Israa’iil ay duqeyso dhismo ku yaalla Gaza digniin la’aan, haddana habeennimadii Xalay ayay duqeymaha cirka ka sii socdeen marinka Qaza.
Waxaa sii kordhaya tirada dhimashada ka dib markii ururka Ciidamada Xamaas ay weerar ku qaadeen Israa’iil. Sida laga soo xigtay taleefishinka Israa’iil, 900 oo Israa’iiliyiin ah ayaa la dilay in ka badan 2,600 oo kalena waa la dhaawacay.
Qaza, in ka badan 700 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 3,700 oo kalena waa lagu dhaawacay duqeymaha Israel, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.
Intaa waxaa dheer, Israa’iil waxay sheegtay in ku dhawaad 700 oo dagaalyahannada Xamaas ah oo dhintay laga helay gudaha Israa’iil.
Hadda waxaa la filayaa in colaaddu ay cirka isku sii shareerto. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa khudbad laga sii daayay fiidnimadii Isniinta ku sheegay in duqeymaha ka dhanka ah Qaza “uu hadda bilowday”.
Waxaan aragnay kolonyo ciidan oo aad u dheer oo ku sii jeeda Qaza. Waxaan aragnaa taangiyo iyo baabuurta gaashaaman oo halkan soo degaysa. Sida cad, waxaa jira koror iyo koror, sida uu sheegay Samir Abu Eid, oo ku sugan dhulka Gaza habeenkii Isniinta.
Dadka ayaa ka baxsanaya meelaha bartilmaameedka u ah duqeymaha Yuhuudda, waxaana ay u baxsanayaan goobo kale oo la duqeyn doono, sidaas waxaa yiri sarkaal ka tirsan waaxda caaimaadka ee GAZA.
Taxliliyaasha arrimaha carabta ayaa sheegaya in dagaalkan uu meesha ka saarayo xiriirkii caadiga laga dhigaayey ee dhex mari lahaa Sucuudiga iyo Israel.
Horseed Media