Labo haween ah oo ay Xamaas ku haysteen Gaza ayaa la sii daayay, sida ay sheegeen…
Labo haween ah oo ay Xamaas ku haysteen Gaza ayaa la sii daayay, sida ay sheegeen kooxda Falastiiniyiinta iyo Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC).
Siideynta labada la heyste ee Yocheved Lifshitz oo 85 jir ah iyo Nurit Cooper oo 79 jir ah ayaa waxaa xaqiijisay ICRC.
Afhayeen u hadlay garabka hubaysan ee Xamaas ayaa sheegay in labada maxbuus la sii daayay ka dib wadahadalo ay la yeesheen Qatar iyo Masar.
Qoraal uu soo saaray Isniintii xalay, afhayeenka Abu Obeida wuxuu ku sheegay kanaalka kooxda ee Telegram in maxaabiista lagu sii daayay “sababo bini’aadantinimo iyo sababo caafimaad.”
Xamaas waxa ay qabsatay in ka badan 200 oo qof oo ay ku jiraan askar Israeliyiin iyo ajaanib, intii lagu guda jiray weerar ay ku qaadeen koonfurta Israel 7-dii Oktoober.
Dhinaca kale Israel ayaa weli duqeynta ku wada Marinka Gaza, iyadoo tiradda dhimashada shacabka Gaza ay hada kor u dhaaftay 5000 qof.
Horseed Media