Raysalwasaaraha Holland oo kulamo la yeeshay Cabaas iyo Natenyahu

24 October, 2023

Raysalwasaaraha Holland Mark Rutte oo isniintii shalay booqday Tel Aviv iyo Ramallah ayaa ku baaqay in…

Raysalwasaaraha Holland Mark Rutte oo isniintii shalay booqday Tel Aviv iyo Ramallah ayaa ku baaqay in xiisada Israel iyo Falastiin la xakameeyo.

Rutte ayaa ugu baaqay Netanyahu iyo Xukuumada Israel in loo fasaxo gargaarka Marinka Gaza, isla markaana la ilaaliyo xaquuqda dadka rayidka ah. Shacabka ku xaniban Marinka Gaza ayey ku jiraan dad heysta dhalashada Holland, kuwaasi oo qaarkood ku dhinteen duqeynta Israel.

Raysalwasaaraha Holland ayaa noqday hogaamiyihii ugu horeeyey ee reer Galbeedka ah oo booqasho ku taga magaalada Ramallah ee xarunta maamulka Falastiin ee Daanta Galbeed tan iyo markuu bilowday dagaalka Gaza, isagoo kulamadii uu la yeeshay Madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabaas kala hadlay sidii looga hortagi lahaa in dagaalka Gaza uu ku fido gobalka oo dhan.

Mark Rutte ayaa sheegay in xalka kaliya ee Israel iyo Falastiin uu yahay dhismaha laba maamul oo kala madax banaan.

Horseed Media