Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa mushaarkooda bisha Oktoobar ugu deeqay ciidamada xoogga dalka si…
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa mushaarkooda bisha Oktoobar ugu deeqay ciidamada xoogga dalka si ay ugu taageeraan hawgalka ladagaalanka ee ay kula jiraan Al-shabaab.
Shirka Golaha Wasiirrada oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayuu kasoo baxay go’aankan iyo qodobo kale oo ku saabsanaa dagaalka dowladda kula jirto Alshabaab.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa dhawaan ku dhawaaqay wajiga 2aad ee dagaalka ka dhan ah Alshabaab. Madaxweynuhu wuxuu sheegay dowladdu inay u baahan tahay taageero gacan ka geysata dagaalka dalka looga xoraynayo Alshabaab.
Horseed Media